Articles

IYAMAA RUNTA U DHOW, KULMIYE MISE WADDANI ?

Xaawaley kolay tahay dad waa, xagafsanaayaaye
Xag uun labada daarood ku daran, hays xakabin meele
Meeris aan ka soo dheegay, gabaygii Xoogsi ee Abwaan Ismaaciil Mire (AHUN).

Qormadan waxaynu ku eegi doonnaa labadan xisbi ee loogu hadal haynta badan yahay, waa Kulmiye iyo Waddani. Inta aynnu qormadan ku jirno waxaynu carabaabi doonnaa taariikh kooban oo ku sahabsan aas-aaska iyo hana-qaadka labadan xisbi, waxa kale oo aan tilmaami doonnaa waxqabka iyo hiigsigooda siyaasadeed innagoo milicsan doonna Kulmiye waxa u qabsoomey intan uu ahaa Xisbul-xaakimka, Waddanina waxaynu ku qiimeyn doonnaa barnaamujkiisa siyaasadeed ee uu bulshada u soo bandhigey.
Waxa kale oo aynnu qormadan kaga warcelin doonnaa weydinta odhaanaysa, ‘Yaa Laga Filan karaa Isbeddel iyaasaddeed?’.

Ugu dambeynta waxaynu ku soo afmeeri doonnaa qoraalkeenan maxsuulka qiimeynteenan innagoo tilmaami doonna bal cidda ugu dhow ee aynnu ku aamini lahayn qarankeenan dhawrka sanno ee soo socda.

Taariikh Kooban:- 

Xisbiga Kulmiye:
Kulmiye waa xisbi siyaasi waddani ah oo la asaasay bishii May ee sannadkii 2002. Ujeeddadiisuna tahay sidii Somaliland ay u gaadhi lahayd himilooyinkeeda ay ka midka yihiin inay ka mid noqoto dunida xorta ah ee dimoqraadiga ah. 
Xisbiga Kulmiye bishii Diisambar ee 2002 ayuu ku guulaystay kaalinta labaad ee tartankii doorashooyinkii degaamda Jamhuuriyadda Somaliland taasoo uu kaga mid noqday saddexda xisbi ee qaran ee sharciga ah. 
Xisbiga Kulmiye wuxuu galay oo uu ka qeyb qaatey laba doorasho oo loogu tartamayey kursiga madaxweynanimo dalka, waxaana laga guuleystey mid ka mid ah halka uu tii kale ku guuleystey, waxa xusid mudan in tartankii hore kaliya 82 cod lagaga qaadey guusha, buuq iyo rabshad la’aana uu ku qancay.
26/06/2010 ayey ahayd markii uu xibiga Kulmiye ku guuleystey doorashadii madaxweynanimo ee dalka, isagoona helay 266,906 cod oo u dhiganta 49.50% dadka codka bixiyey, taas oo aynnu odhan karno wuxuu helay laba meelood meel, codadkii dadweynaha.
Ujeedooyinka xisbigani Waa qaar si dhab ah uga turjumaya himilooyinka dadweynaha reer Somaalilaand higsanayo, kuwaas oo salka ku haya taariikhda halgamadii dheeraa ee loo soo maray xornimada dalka, hadday tahay tii isticmaarka la iskaga xoreeyey, iyo hadday tahay halgankii qadhaadhaa ee lala galay taliskii Maxamed Siyaad Barre, halgankaas oo midhihiisu yihiin xasilloonida iyo degenaashaha aynu maanta hadhsanayno iyo ictiraafka iyo horumarka aynnu ku taamayno marka la barbar dhigo qalalaasaha ka taagan dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray inteeda kale.

Xisbiga Waddani:
Xisbiga Waddani waxaa lagu dhawaaqay aas-aaskiisii 6/10/2011, waxaana aas-aaskiisa lahaa xubno ka soo go’ay Xisbiga UCID, ku waas oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro. Inkastoo wakhtigaa loo arkayay in samaynta Xisbiga Waddani ay ka dhalatey cadho iyo ficiltan ay ku kala xanaaqeen Xisbigii UCID gaar ahaan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waana ta aad markasta ka dheehanayso in Xisbiga Waddani ay ku badan yihiin, siyasiyiintii hore ba uga dhex muuqan jiray Xisbigii UCID.
Xisbiga Waddani waxaa lagu dhawaqay in uu ka mid yahay Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland tariikhdu markay ahayd 26/12/2012. 
Run ahaantii Xisbiga Waddani waa Xisbi Curdin ah kuna Cusub Saaxada siyaasadda dalka. Waa Xisbi Taageerayaal aad u badan ku leh dibadda iyo gudaha dalka, waana Xisbiga labaad ee aad is odhan karto waxa uu tartan adag la geli karraa Xisbul-xaakimka Kulmiye .
Wadani waa Xisbi si dhakhso ah loogu hagar baxay lana geliyay dhaqaale iyo Naf-hur aad u xoog badan, si uu u hiigsaddo xisbiyada hanaanka siyasadda kaga soo horreeyey, sida Kulmiye iyo UCID, balse waxaa xusid mudan in xisbigan Waddani uu mar kaliya sida cadceeda uu cirka isku shareeray, taageerayaal badana u hantiyey, waana xisbi ay ku jiraan kana mid yihiin siyaasiyiin iyo masuullo hadallo cad cad.

Waxqabad:-

Waxqabadkii Xisbul-xaakimka Kulmiye.
Halkan waxaan ku soo qaadan doonnaa waxqabadkii uugu muhiimsanaa ee u qabsoomay Xukuumadda Kulmiye, muddadaa ay xilka haysay, waxaanan u soo kala horeysiin doonnaa sidey u kala muhiimsan yihiin:-
1.      Lacag ka-bedelka Gobollada Bariga
2.      Kordhinta mushaharaadka shaqaalaha dawladda
3.      Kobcinta miisaaniyadda qaranka
4.      Dhismaha waddooyinka iyo madaarrada dalka
5.      Bixinta darajada ciidamada qaranka
6.      Samaynta sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF)
7.      Dhismaha iyo dayactirka xarumaha hay’addaha qaranka
8.      Dhiiri-gelinta maalgashiga iyo aaminaada beesha caalamka sida DP World
9.      Suurto gelisey furashada ururrada siyaasadda
10.  Dhallinyaradna siisay fursad ay kaga qaybgaleen maamulka dalka

Hiigsi:-

Barnaamujka iyo hiigsiga siyaasadeed ee Xisbiga Waddani
Halkan waxaan ku eegi doonnaa barnaamujka ama hiigsiga siyaasadeed ee uu xisbiga Waddani doonnayo in uu ku hoggaamiyo haddii uu qabto tallada dalka. Buugga uu barnaamijkiisa ku soo ururriyey wuu badan yahay balse inta uugu muhiimsan ee indho qabadka ah ayaan soo koobi doonnaa.
  1.  Hirgelinta isbeddel siyaasadeed oo dhinac walba saameeya dawladda.
  2. Magacaabista iyo hawl-gelinta guddida dib u eegista dastuurka
  3. Xoojinta wasaaraddaha iyo waaxaha kale ee dawladda si loo tayeeyo adeegga dawladdu bixiso
  4. Hagaajinta hab-maamulka maaliyadda iyo xisaabta dawladda
  5.  Daryeelka shaqaalaha dawladda iyo tayeynta hawl-qabadkooda
  6. Cidhib-tirka musuq-maasuqa iyo qaraabo-kiilka
  7. Dib u habeynta waaxda garsoorka iyo bixinta adeeg cadaaladeed oo tayo leh
  8. Meel-marinta kootada haweenka 30%, xeerdejinta iyo fulintaba
  9. Tayeynta adeegga iyo dhismaha dawladaha hoose
  10. Ilaalinta xuquuqal insaanka qaybaha bulshada dulman sida dadka laxaadka la’ iyo beelaha dulman.

Yaa laga filan karaa isbeddel Siyaasaddeed ?

Isbeddel siyaasaddeed wuxuu yimaadaa marka weelkii (siyaasiyiintii hore) la culo, lana keeno dhiig cusub iyo maskax firfircoon oo lagu dardar-gelinayo xaqiijinta iyo hadafka dalka. Tusaale, waagii uu xisbiga Kulmiye ku jiray ololihiisii doorashadii uu dalkan hoggaankeeda ku qabtey, wuxuu la yimid oo uu bulshada dareensiiyey isbeddel siyaasaddeed oo hor leh, hadey noqoto halka siyaasiyiinta oo uu siyaasiyiin firfircoon oo aqoon leh uu safka hore soo dhigtey, kuwaas oo saaxadda siyaasaddana ku cusubaa, sida Sacad Cali Shire, Mohamed Abdillahi Cumar, Samsam Maxamed Aadan, Xirsi Cali Xasan iyo kuwa kale oo badan.
haddaba qodobkan ah isbedel siyaasaddeed ayaan dalka ka dhallinaynaa, waa halka ama qodobka aan annigu ku dhalliilayo Xisbiga Waddani. Waayo cidda isbel keeni karta iyo cidda laga filan kara ba weynaga halkan kore ku qeexney. Sida aynnu ka wada dharegsanahay siyaasiyiinta ama madaxda Xisbigan Waddani intooda badanni waa siyaasiyiin hore uuga soo tirsanaa labada Xisbi ee kale Kuliye iyo UCID, sidoo kalena xukuumaddan hadda iyo kuwii ka horeyeyna xilal ka soo qabtey, sideynu kor ku xusnayna isbaddel waxa dhalin kara ayeynu nidhi, dhiig cusub iyo maskax firfircoon oon hore saaxadda siyaasadda loogu soo arag.
Iyamaan codka siinaa labadan ?
Waxaynu ka soo hadalney waqabadkii Xisbul-xaakimka Kulmiye iyo Hiigsigii Xisbiga Waddani. Xibigan hadda tallada dalka haya waxbadan baa u qabsoomay, kuwa hadda ay gacanta ku hayaan oo gebogebo ku dhawna wey jiraan, waxoogaa tabashooyina iyo dhaliilo na meesha kama madhna. Balse sida barnaamujka Xisbiga Waddani iiga muuqata intooda uugu badan waxay ballan qaadayaan wax ama qorshayaal ay xukuumadan haddu qabatey ama ay gacanta ku hayso imika, wax cusub iigama muuqdaan. 
Haddaba annigu fikir ahaanteyda, markaan arkey ama qiimeeyey waxqabadkii xukuumaddan iyo ballan-qaadka ama barnaamijka siyaasaddeed ee Waddani, waxaan u gartey oo aan is leeyahay in doorkana/doorashadana ay haboon tahay in dib loo doorto oo loogu celiyo Xisbigan hadda tallada dalka haya ee Kumiye.
Hore looma arag, dal Afrikaan ah ama dunnida kale ba ka mid ah, oo xukuumaddii ugu waxqabadka fiicneyd ku doorsada xisbi mucaarid kaas oo weliba ay hor kacayaan siyaasiyiin hore oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, waa haddii aan Waddani dooranee.
Xisbiga Kulmiye, balanqaadkiisii ama barnaamujkiisii hore waxaynu odhan karaa boqolkiiba laba iyo sideetah (82%) wuu qabtey, ALLE na wuu ku asturay, imikana ma taallo ujeeddo lagu badelaa ama xisbi kale oo sidiisii oo kale dardar iyo dhiig cusub le oo aynnu ku doorsanaa ma jiro .
Gebegebo.
Ugu dambeyntii waxaan qoraalkeygan ku soo afmeerayi lahaa, haddii in uun aad u tudheyso ama aad daneynayso horumarka, mustaqbalka iyo wadajirka dalku in uu halkan maanta uu marayo uu ka sii socdo, adoon caadifad, nin jecleysi, qaraabo-kiil, dan gaar ah iyo qabyaalad toona cid ku dooran, horta daris oo daba-gal xisbi walba fikirka uu wato, ka dibna ka go’aan qaado waxa baadhitaankaagaa kaaga soo baxa. Balse haddii aad anniga tallada ii dhiiban lahayd waxaan kuu doori lahaa, Kulmiye.

FG:-
Sida aan wada ogsoonahay dalka waxa ka jira, saddex xisbi qaran, Kulmiye, Waddani iyo UCID. Qormadan waxaan ku soo qaatey saddexdan xisbi laba ka mid ah, xisbiga UCID baanan ku soo darin warbixintan, waxaan uuga tegeyna wax kale maaha, weli musharixiisii jagada madaxweynanimo go’aan rasmiya lagama gaadhin sidoo kale na barnaamujkiisii siyaasadeed weli lama soo bandhigin. Sidaa darted wey adkaanaysaa in aynnu labada xisbi ee kale la barbar-dhigno.

Tixraac:
Buugga, Barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga Waddani.    
                     
Wa Billaahi Tawfiiq

W/Q: Saleebaan Gargaare                                                   Email: suleiman.gargaare@gmail.com

No comments:

Post a Comment