SHEEKO, KAFTAN !
Qoraxdii timaadaba
Muxuu qalinku sheekiyo
Qubanaha dharaartiyo
Hadba qodob la yaabliyo
Mahadhooyin qorayaa!
Tuduc aan ka soo dheegay maansadii Quduro, M. I. Warsame Hadraawi.
Dheeg
waa wiil, qiyaas ahaan jira da'da 19 jirka.Waxa uu ka soo jeedaa qoys sabool ah
oo reer miyi ah, miyi gaas ayuuna inta badan noloshiisa uu ku soo qaatay.Dheeg
shaqada iyo hawlaha ay waalidkii u dirsadaan mid si fiican uuga adag oo uuga
soo baxa ayuu ahaa.
Waalidka Dheeg iyaga oo eegaya sida uu ilmahoogu uugu ja jaban yahay uuguna firfircoonyahay ayey waxa ay go'aan sadeen in ay magaalada u so diraan si uu wax uugu soo barto hadhowna iyaga u anfaco, oo duruuftaa saboolnimo ee ay ku jiraan uuga saaro, mid kale se dhaqanxumo kale oo ay ka taxadirayeena wey jiray taas oo ahayd, wiilkooda oo maalmihii danbe bilaabey dabeecada ay dhalinyaradda miyi gu caanka ku yihiin, kaas oo kula wadaagaya jaalayaashiisa (saaxiibadii), cunista qaadka iyo cabida sigaarka.
Waalidkii arrintaa in ay magaalada wiilkooda u soo diraana ah wey go'aansadeen, walow hawlo badan oo guriga ah ka dabooli jiray, hadaana wax walba waxay ka doorbideen wiilkooda oo wax u soo barta, Dheegna arrintaa iyada ah wuu ku raacay waalidkii waanu ogolaaday inuu magaalada u soo baxo.
Dheeg magaaladaa loo soo diray, runtii qaraabo aad uugu dhaw magaaladan uuma degana, odey abti u ah oo ay hooyadii ilmaabti yihiin ayaa lagu soo hagaajiyey, oo yarkaa wax noo bar lagu soo dardaaray.Odeygan Dheeg abtigii ah oo lagu magacaabo, Dhamac maaha mid maal badan haysta, balse cunistiida iyo waxbarashadiisa inuu ka soo baxi doono ayuu ballanqaadey.
Yarkii Dheeg ahaa magaaladii soo gal oo ka fikir, awal magaaladu maqal uunbay ku ahaan jirtaye sidii uu uula qabsan lahaa.
Dheeg wuxuu u dhashay maskax furni , firfircooni iyo fahan fiicni, markii uu magaalada imanayey waxa uu ku yimid gaadhi nooca dhaynaha loo yaqaano ah ee korka feydan leh, korka ayaanu saarnaa...
Waalidka Dheeg iyaga oo eegaya sida uu ilmahoogu uugu ja jaban yahay uuguna firfircoonyahay ayey waxa ay go'aan sadeen in ay magaalada u so diraan si uu wax uugu soo barto hadhowna iyaga u anfaco, oo duruuftaa saboolnimo ee ay ku jiraan uuga saaro, mid kale se dhaqanxumo kale oo ay ka taxadirayeena wey jiray taas oo ahayd, wiilkooda oo maalmihii danbe bilaabey dabeecada ay dhalinyaradda miyi gu caanka ku yihiin, kaas oo kula wadaagaya jaalayaashiisa (saaxiibadii), cunista qaadka iyo cabida sigaarka.
Waalidkii arrintaa in ay magaalada wiilkooda u soo diraana ah wey go'aansadeen, walow hawlo badan oo guriga ah ka dabooli jiray, hadaana wax walba waxay ka doorbideen wiilkooda oo wax u soo barta, Dheegna arrintaa iyada ah wuu ku raacay waalidkii waanu ogolaaday inuu magaalada u soo baxo.
Dheeg magaaladaa loo soo diray, runtii qaraabo aad uugu dhaw magaaladan uuma degana, odey abti u ah oo ay hooyadii ilmaabti yihiin ayaa lagu soo hagaajiyey, oo yarkaa wax noo bar lagu soo dardaaray.Odeygan Dheeg abtigii ah oo lagu magacaabo, Dhamac maaha mid maal badan haysta, balse cunistiida iyo waxbarashadiisa inuu ka soo baxi doono ayuu ballanqaadey.
Yarkii Dheeg ahaa magaaladii soo gal oo ka fikir, awal magaaladu maqal uunbay ku ahaan jirtaye sidii uu uula qabsan lahaa.
Dheeg wuxuu u dhashay maskax furni , firfircooni iyo fahan fiicni, markii uu magaalada imanayey waxa uu ku yimid gaadhi nooca dhaynaha loo yaqaano ah ee korka feydan leh, korka ayaanu saarnaa...
Markii uu sidaa magaalada u soo galay gaadhii uu
saarnaa, Dheeg wuxuu bilaabay inuu u fiir fiirsado dadka wadada hareeraheeda
maraya, u jeedada uu ka leeyahayna waxa weeyi inuu mar dhaw markuu xaafadauu ku
dagayo uu tago uu iska dhigo siday ahaayeen dadkii uu magaalada uu ku soo
arkay, si aan looga garan inuu magaalada ku cusub yahay.
Run ahaantii sidii uu doonayey ayaana u suuro
gashay, lagamana dareemin inuu uu magaalda ku cusub yahay, abtigii dhamacna
wuxuu ka codsaday inuu u iibiyo laba shay oo intii uu soo socday reer magaalka
uu ku arkay iyaga oo wata, ku was oo ahaana dhar nooca ay dhallinyartu xidhatoah
iyo telefoonka gacanta lagu qaato, oo uu aad ula dhacsanaa intii uu soo socday
siday dhalinyartu u sitaan ee ay u isticmaalayaan.
Abtigii Dhamacna labadaa shay ee uu ka codsadey waa
uu u soo iibiyey, dhar fiican oo uu ku qancay iyo telefoon uu ilaa kaadhkii uu
u soo galiyeyna waa uu u keenay.Dheeg markii wixiiuu dalbadey loo keenay ayuu isagoo
dhoolo cadeynaya yidhi dee maanta magaaladu waa aniga iyo laba kaleba.
Xaqiiqatan odey Dhamac ma khusayso xaragada wiilka
ee xaguu u danleeyahay ee uu xooga saarayaa waa waxbarashadiisa oo ay in badan
waalidka wiilku kala soo dardaarmeen.
Labadii cisho ee u horeysay markii uu magaallo kala
barasho ku jiray Dheeg, ugu danbeyn abtigii wuxuu go’aansadey in uu hadafkii
magaaladda loo keenay wiilka u fuliyo, isagoo isla markiiba horkeenay oo kala
dooro siinaya laba waxbarasho midkood, wuxuuna ku yidhi abti Dheegaw keebaad
kuu fudud ama aad jeclaysanaysaa in aad baratid cilmiga maadiga iyo ka diiniga
ah?
Waxoogaa ayuu Dheeg fikiray, ugu danbeyn na wuxuuna go’aansadey in uu cilmiga diiniga ah
barto. Waayahay waa doorasho wanaagsan ayuu abtigii Dhamac sii raaciyey, balse
isagoo la sii yar kaftamaya ayuu ku yidhi maxaad ku dooratay oo aad ku
doorbidey abti cilmagaa diiniga ah, dhalinyaroo dhani maadi ayey ku waasheene?
Dheeg baa isagoo qoslaya u jawaabey oo yidhi. Abti
hadaan da’dan ku bilaabo cilmiga maadiga, anoo u baahan in fasalka u hooseeya
la iiga soo bilaabo in badan bulshadu wey ila yaabi doonaan oo i dhaleecayn
doonaan, niyad jabka ay ii geystaana wuxuu caqabad ku noqon doonaa
waxbarashadeyda balse cilmigan diinta lagaba yaabaa in aan dhallinyar aanu isku
fac nahay ay fasalka ila soo fadhiistaan waayo waxaan dhulkayagii ku maqli
jirnay reer magaalku aad diinta uuma bartaan, ee maadiga ayey ku badan yihiin,
Abtigii Dheeg intuu farxay ayuu ku yidhi, abti ALLE
maskax iyo caqli ayuu kugu manaystee kii guulaysta noqo.
Dheeg inta khamiis cad loo xidhay cumaamadna loo
saaray ayaa subaxdii u saddexda ahayd joogida magaaladda, machad si fiican
loogu dhigo cilmiga diinta uu abtigii soo qoray oo uu fasalkii koobaad soo
fadhiisiyey, waayo ilayn hore waxna uumuu qori jirin waxna uumuu akhriyi jirin.
Runtii wiil caqli badan ayuu ahaa Dheegoo,
durbadiiba fasalkiisii hore ayuu kala qabsadey isagoo isla markiiba noqday
ardayga uugu cad cad fasalka.
Sheekaba waata danbeysee isagoo Dheeg
waxbarashadiisii si fiican uula haysta meel fiicana marinaya misena aad u
dadaala, ayaa habeen habeenada ka mid uu yar xanuunadey isaga oo lafa garaac
xuni ku dhuftay, dareemayna in aanu barri xiisad tagi karin, doonayana in uu
fasax dirsado si aan loo qabsan oon loo odhan maxaad maxaad ku maqnayd, ayaa
markiiba uu ku fikiray in uu isla habeenkiiba uu
telefoonka kala hadlo kaaba kalaaskoodii ama aliflahoodii oo uu lambarkiisa
hayey si uu barri uugu fasax qaado, nasiib darro se lambarka aliflahoodu
telefoonka uugumuu kaydsanayn waayo si fiican wali uumuu baran isticmaalka
telefoonka uu sito, balse kor ka ayuu ka hayey oo uu xifdisanaa, lambarkiibuu
damcay in uu waco, inay xaga xanuunka hayeyna uu ahaa mooyiyee, wuxuu is
weydaariyey laba lambar, oo lamber aan kii aliflahooda ahayn ayuu wacay, wuu
dhacayna isagoo filanaya in uu aliflahoodu qabto ayaa wuxuuba ku war helay
gabadh leh haloow, yaad u baahnayd, Dheeg baa yidhi iigu dhiib Dhoodaan, Dhoodaan
oo ahaa magaca alif lahooda, gabadhii baa uugu jawaabtay walaal Dhoodaan iyo
nintoonana telefoonka ma lehe e, dantaada ka hadal, kolay in aad nasiibis tahay
waan arkaaye, Dheegoo iska xanuunsaneyey ayaa markiiba isla booday oo yidhi
walaal ha igu ciyaarinee iigu dhiib aliflahayga, jaw bay gabdhii ku wercelisay
waar heedhe yarkoow dantaa ka hadal anaa telefoonka leh e, Dheeg baa hoos u
fiiriyey lambarka uu garaacay wuxuuna arkay in uu lambarka khalday, laakiin
isku muu cadeynee, wuxuu isla markiiba yidhi walaalo dee nasiibis kaa aad
sheegayso baaban ahee iska warama, gabadhii intay qosol gaw kaga siisay ayey
tidhi maanaan ku garan maad mar hore iska cadeysatid intaad igu wareerinaysay
alifle iyo wax aan loo jeedin, Dheegbaa isla markiiba yidhi inaabti gabadh
fiican baabad tahee magacaaga ii sheeg, gabadhii ayaa ku war celisay walaalo
Dhudi baa la yidhaa ee adna, dee ana Dheeg weeyi magacaygu wakaa yidhi,
dabadeed halkaa ayey sheeko wacani uuga bilaabantay Dheeg iyo gabadhaa Dhudi,
Dheegna waa wiil halkaa sheekada iyo kaftanka dumarka ku dheereeyo gabadhiiba
maskaxda ayuu ka qabsadey, gabadhuna waxay iska ahay gashaanti iska caaf
raadisoo weyba la dhacday.
Laba saddex habeen markay wada hadlayeen ayuu habeen
habeenada ka mid ah Dheeg gabadhii isagoo oo la kaftamay ku yidhi, dee Dhudi,
fiicnaan iyo qurux baabad isku darsatee waaban ku soo dooni, gashaantidii walee
tidhi, oo Dheegna waa ka kaftanee haa yidhi, dabadeed qosol dhag ka siisay.
Maalmo ka dib ayey inantii Dhudi ahayd ay xaafadoodu
ku buuqday oo ay waalikeed, hooyadeed iyo aabaheed ku canaanteen shaqadii
guriga oo ay dayacday, aadna canaan iyo caga jugleyn isugu dareen, dabadeed
Dhudi oo cadho karaysa ayaa waalidkeed ku tidhi ‘dee naga daaya qaylada, intaan
wada joognaaba way kooban tahay oo maalin dhaw waaban idinka tagi oo waaba la
isoo doonanayaaye. Dhudi waalidkeed oo arrintay ay ka dhawaajisay la yaaban
ayaa ku yidhi, naa yaa adi ku soo doonanaya oo wax kugu fali, waata Dhudi uugu
war celisay dee wiil aan wada sheekaysano oo Dheeg la yidhaa ayaaba igu yidhi
waan ku soo doonanayaa, waalidkeed waa kuwa fajac farxay, waaka aabaheed ku
yidhi ma dhawaan ayuu ku yidhi waan ku soo doonan, wata Dhudi tidhi dee haa
dhawaan ayuu igu yidhi.
Markii ay muddo ka soo wareegtay arrintii ay Dhudi
waalidkeed u sheegtay, ayuu aabaheed subax u yeedhay oo ku yidhi, naa aawey
arrintii aad maalintii sheegaysay ee aad lahayd waa la isoo doonayaa, haddaa la
soco Dheegna wakhti ayuu u waayey oo in dhaweydba la muu soo hadal e, waxaaba
ka i taal roonaadey oo uu ku mashquulay waxbarashadiisii, waata Dhudi aabaheed
uugu jawaabtay ee ku tidhi, dee aabo waan iska kaftameyey ayuu igu yidhi
wiilkii aan idiin sheegayey, odaygii aabaheed intuu cumaamadii uu watay
garabkiisa ku tuuray oo uu istaagay buu yidhi, naa maa daa kaftan galay oo wiil
yar oo ciyaalo suuqi kugu beerlaxawsadey waan ku soo dooni, bal in aad kaftan
gashid iyo inkale weynu arkiye ii wac wiilkan ciyaar ciyaarta kaa dhigtay,
Dhudi oo yaaban ayaa isla markiiba wacday Dheeg oo xiisadiisii ku jira, Dheeg
telefoonkii kama uu qaban waayo isaga xiisadiisa ayaa la weyn ee gabadh iyo
waxaa uuma jeedo, waata Dhudi aabaheed ku tidhi aabo marka uu igu soo celiyo
ayaan kuu keeni ee waayahay hawlbaan yar hayaaye.
Dheeg markii uu xiisadiisii soo dhamaystay ayuu
arkay gashaantidii Dhudi oo telefoonkiisa soo wacday, talow maxay wadaa intuu
hoosta ka yidhi ayuu ku celiyey oo uu wacay, isla markiiba intay Dhudi qabatay
ayey ku tidhi Dheegaw waxaa ku doonayey odeygii aabahay, oo arrin aad habeen
igu lahayd ayaan u sheegoo inuu kaala hadlo ayuu doonayey, Dheeg oo yaaban ayaa
yidhi arrin maxaya ayuu igala hadlayaa ma arrin baa aniga iyo aabahaa na
dhextaala, adeer telefoonka uun baan iska baranee salaama calaykum anigu
hawlahaa uma jeedee, Dheeg telefoonkii ayuu ku jaray Dhudi oo intuu shaydaanka
iska naaray xaafadoodii iska sii aaday.
Dhudi oo ka cadheysan telefoonkaa uu ku jaray Dheeg,
ayaa aabaheed u timid oo ku tidhi aabo dee ninkii telefoonka ayuu igu jar
jarayaa markaan u sheegay in aad doonayso, ‘alla ilayn hablaha doqmona wey ku
jiraan’, odaygii aabaheed ahaa oo marka horeba xanaaqsanaa waaka ku yidhi
inamari ii gee, waata uugu warcelisay aabo ma garanayo meeshuu galo, waayahaye
iisheeg kalabka lamberkiisa anaa soo raadine, odaygan aabaheed wuxuuba u
haystaa in uu Dheeg danbi inantiisa ka galay oo uu habeenu ku beero xawsadey
waan ku soo dooni ee ii kaalayna dhahay.
Odaygii Dhudi aabaheed isagoo cadheysan waaka u
tagay shirkadii kaadhadhka telefoonada, ee adeegyada bixinaysay, kuna yidhi
lambarkaa qofka sita ayaan u baahanahee ii eega cida uu yahay, shaqaalaha
shirkaduna madaama uu qof weyn yahay wey u tixgaliyeen codsigiisa una sheegeen
maga isticmaalaha oo Dheeg ahaaiyo cida ka wakiilka ah oo abtigii Dhamac ahaa,
taas oo uu markii uu abtigii kaadhka u soo furayey uu foomka damiinka ku
buuxiyey inuu isagu damiin ka yahay wiilka uu u furayo oo Dheeg ah.
Odaygii Dhudi aabaheed waaka la soo hadlay Dheeg
abtigii Dhamac oo ku yidhi waan kuu baahanahee goormaan kula kulmi karaa, arrin
soo jireena ayaan kuula socdaaye, Dhamac oo fajacsan ayaa ku yidhi galabta waa inoo
iyo miskiid jaamaca, oday dhamac oo yaaban oo talow caruur waaweynba ma
lihidee, arrintan soo jireenka ah ee uu ninkani la socdaa maxay tahay le, ayaa
soo baxay oo masaajidkii is keenay, wax yar ka dibna Dhudi aabaheed oo maqiiqan
ayaa u yimid, arrintiina u sheegay oo ku yidhi wiilkaa Dheeg la yidhaa ee aad
wakiilka ka tahay inantayda ayuu waan ku soo doonayaa ku beerla xawsadey oo
dantiisii habeenka kaliya ahaydna ka gaadhey dabadeedna xidhiidhkii ka goostay
oo telefoonkiiba ka qaban waayey, markay arrintii aniga ii sheegtay. Odey
Dhamac oo fajacsan ku yidhi, waarbal heedhe wiilkaa Dheeg mid cagaha dhulka ku
haya oo waxbarashadiisa ku kooban ayuu ahaaye, balaan isna soo wareysto anaa
kugu soo warcelinee, Dhudi aabaheed oo xanaaqsan ayaa yidhi, waa bilaa
wareysiyee ama sidii cadada ahayd iiga soo doona ama 50 keedii halaad halkaa
soo dhiga. Dhamac oo wuxuu idhaahdaba garan la, yidhi anaa kugu soo war celin
ee aana wiilkii la kulmo. Waayahay ayey is yidhaahdeen.
Dhamac oo cadheysani xaafadiisii imay oo mee Dheeg
ku cel celiyey, kijada oo ay gabadhiisii cunto ku diyaarinaysay, ka dhex tidhi
waar bal khair sheeg oo waa maxay sidan aad maanta Dheeg u raadinaysaa, Dhamac
horta isaga ayaan u baahanahay ee meeku celiyey, dabadeed gabadhisii tidhi,
waar halkan dukaanka ayuu wax iiga doonee sug hakuu soo noqdee.
Dheeg tukaankii ka soo noqoy oo xaafada soo gal,
abtigii Dhamac markiiba u yeedh, oo ku yidhi, ma sidaad noqotay mise sidaan kuu
malaynayey, ma taqaanaa inan Dhudi la yidhaa?
Dheegna daacadnimadaa biyo dhigtoo, beentana laguma
oga, isla markiibaa haa waan aqaanaa ayuu la soo booday balse aqoon badan uuma
sii lihi ayuu sii raaciyey, odey Dhamac oo cadheysani yidhi waa bilaa aqoon
badan uuma sii lihiye, yartaa ma wada hadasheen mana ku tidhi waan ku soo doonayaa?
Dheeg oo dareemay in aanay xaaladu sahlanayn ayaa
yidhi haa waan ku yidhi balse kaftan bay iga ahayd oo waan kaftan lahaa, odey
Dhamac baa hadalkii qaatay baa yidhi abti gashaanti kaftan ma gashee arrinkaa
isaga ahi waa dushaada!
Wiilkii Dheeg ahaa tallo wey ku ciirtay, dabin aanu
ogayna qoorta waa gashadey, xaafadoodii miyiga taalayna waxba kuma oga, haduu
arrinkaa uula tagana kama bixi karaan qoyskiisii saboolka ahaa, wax ala wax uu
sameeyo ayuu garan waayey!!!
Akhriste halkaa markuu xaalku marayo maaxaad kula
tali lahayd?
Ugu danbeyn go’aan adag ayuu Dheeg qaatay kaas oo
ahaa inuu magaaldan horta si qarsoodiya isaga baxsado, miyi goodiina ku noqdo,
siday noloshiisii hore ahaan jirtayna dib ugu laabto, waalidkiina ku yidhaa
waxbarashadii waan isla keeni weynay oo in aan halkan wax aan ka qaban karayo
ka qabto ayaan soo go’aansadey, oo aan idinka idin caawiyo intay naftu igu
jirto.
Sidiibaanu waalidkii uugu sheekey, miyi giisiina
isaga noqday wiilkii Dheeg ahaa, balwadii ay waalidkii kala cararayeena ee
ahayd cunida iyo canida qaadka iyo sigaarkana iskala qabsadey si uu wakhtiga
iskugu dhaafiyo.
Sheekadan Kaftan, maaha
sheeko dhab ah oo dhacday balse waa sheeko curineed aan curiyey si aan
dhallinyarada u darreen siiyo, dhibaatada uu keeni karo kaftanka faraha badan
le, ama hadalka aan ku haboonayn garaadka qofka aad lagu odhanayo.
W/Q. Saleebaan M. Cabdi
No comments:
Post a Comment